ABAALMARINTA IYO GUULEYSTAYAASHA

Guuleystayaasha Tartankan iyo abaal marinta la guddoonsiin doono.

  • KAALINTA LABAAD
  • $300 Dollar
  • C/raxmaan Saciid Khalaf
  • KAALINTA KOOWAAD
  • Computer Laptop
  • Maxamed C/qaadir Maxamed
  • KAALINTA SEDDEXAAD
  • $200 Dollar
  • Kaafiyo C/fataax C/laahi

TARTANKA NABADDA GAALKACYO

Ujeedka tartan curiseedkani waa aruurinta fikrado nabad iyo deganaansho horseeda, waxaana ka-qaybgalayaashiisa laga filanayo inay soo bandhigaan xal waara oo lagu nabadayn karo magaalada Gaalkacyo. Waxa uu tartanku u furanyahay dhallinyarada reer Gaalkacyo kaliya, gaar ahaan kuwa ardayda ah ee dhigata waxbarashada sare.

NIDAAMKA TARTANKA

  • Mowduuca tartan qoraaleedku waa : sidee gaalkacyo looga dhigi karaa hoy nabadeed, bulshaduna u noqon kartaa mid is dhex-gasha ?
  • Qoraalkaagu waa inuu ka kooban yahay waxyalahan soosocda:
    • Hordhac ama war bixin kooban oo kusaabsan waxyaabaha sababta u ah soo noq-noqoshada colaadda Gaalkacyo.
    • Fikirkaaga ku aadan sida colaada loosoo afjari karo ama loo xalin karo.
    • Fikirkaaga ku aadan sida bulshada labada gedi ee Galkacyo isku dhexgali karto.
  • Qof kasta oo ka qaybgelaya tartan qoraaleedkan waa in uu usoo diyaariyaa si tafaftiran.
  • Qoraalku waa inaanu ka yaraan 3600 oo xaraf oo u dhiganta ilaa 2 bog (A4) kana badnaan 9000 xaraf oo u dhiganta 5 bog (boggii waxaa loo xisaabinayaa inuu yahay 30 sadar oo min 60 xaraf ah, qiyaastii 1800 oo xaraf).
  • Qoraalkaada waxaad ku soo gudbineysaa kaliya mareegtan (www.tartan.so) halkaasna waxaad buuxineysaa form-ka adigoo xareynaya qoraalkaaga oo PDF ama Ms-Word ah
  • Tartan qoraaleedkani wuxu bilaabmaya 25 April 2017, kuna egyahay 24 May 2017 10:00pm.
  • Guddi shan qof ka kooban ayaa qoraallada la soo gudbiyey qiimayndoona isla markaana go’aan ka gaaraya curisyada guuleystey.
  • Curisyada ku guuleysta kaalinta 1aad ilaa 3aad waxaa lagu dhawaaqayaa 15 June 2017

MUDDADA TARTANKA

Tartanku waxa uu furmayaa 25 April 2017 waxa uuna ku egyahay 10 May 2017 10:00pm

Nala Soo xariir

Wixii faahfaahin intaas dheeraad ah nagala soo xariir

Tel: 00252 (0) 612-019614 | 00252 (0) 615-656000 E-mail: info@tartan.so

© 2017 Tartanka Nabadda